Qaybta baraarugidda – soo naaxidda


Qalitaanku marka uu dhammado waxaa la geeyaa ilmaha qaybta baraarugidda. Taqtarka qalliinka ayaa in badan yimaada oo ka warbixiya qalliinkii inuu hagaagey iyo inkale.

Sidaas darteed waxaa fiican in aad joogtid qolka suggidda marka saacaddii qalitaanku dhammaanayso. Shaqaale ayaa kuugu imaan doona qolka sugidda oo ku geyndoona qolka baraarugidda.

Qaybta baraarugiddu waa qol weyn oo ay meel ka heli karaan carruur badan oo da´doodu kala duwan tahay. Meeshaas waxaa loo ogolyahay labada waalidba ama labo ehel kale ah. Walaaluhu ma soo raaci karaan. Caruur iyo dad waaweyn midkoodna wax kuma cuni karo qaybta baraarugidda waayo waxay dhibaysaa carruurta soomman. Dharka kore sida jaakadaha iyo shandadaha waaweyn waxaa lagu soo dhaafayaa qaybta daaweynta ama kabadh/kabar la xidhi/xirikaro ee ku yaal qolka sugitaanka. Telefoonada gacanta waxay saamayn karaan qalabka daaweynta aadna waxay ugu daranyihiin ilmahu marka ay soo baraarugaan suuxintii ka dib, sidaas darteed waa in la xidhaa/xiraa.

Ilmaha qaarkood waa ooyayaan/oynayaan oo waxay u baahan yihiin in la aamusiyo laakiin badankoodu waa daallanyihiin waxaana u fiican in ay karaankooda kacaan. Ilmaha oo dhan waxaa la siiyaa naqaska oksijiinka oo afka iyo sanka loo wada geliyo. Waxaa aad loo ilaaliyaa sida ay u neefsanayaan, sida ay qaadanayaan naqaska iyo garaaca halbowlaha gacanta daawada suuxinta siyaabo kala duwan ayey ula falgashaa ilmaha haddii ay cillad keentana siyaabaha ay cilladdaasi u saamaysaa waa kala duwantahay oo si isku mid ah uma saamayso ilmaha oo dhan. Suuxinta ka hor iyo ka dibba waxaa la qabtaa shaqo weyn oo looga hortagaayo ama loo yaraynaayo haddii cilladi ka timaaddo daawada suuxinta. Inkastoo dadaalkaas badan la sameeyo haddana waxaa imaan kara cilladaha soo socda:

  • Daal iyo wareer
  • Yalaalugo/yaqyaqsi iyo hunqaaco/matag
  • Dhuun/cuna xanuun
  • Qoffac
  • Dhibsasho cidhbadda/cirbadda xididka dhiigga ku jidha
  • Dhibsasho hadduu ku jiro kateeter ama kan dhacaanka soo saara

Ilmaha la qalo oo dhan waxaa si joogto ah loo siiyaa xanuun jebiso inta ay u baahan yihiin.

Qalitaanada qaarkood waxaa xanuun jebisada loo siiyaa ilmaha si joogto ah waxaana laga siiyaa qalab ilmaha ku mudan. Shaqaala ayaa hadba eegaya góaanna ka gaara hadba sida loo siinaayo ilmaha xanuun jebisada iyo nooca ku habboon in la siiyo iyo hadba sida baahi loogu qabo. Waalidka/ehelka waxaa looga baahan yahay in uu ku caawiyo shaqaalaha oo uu sheego marka ilmuhu u baahan yahay xanuun jebiso.

Marka ilmuhu buuxiyo shuruudaha looga baxo qaybta baraarugidda wuxuu ku laabanayaa qaybta uu jiifey.

//Search

twitter icon

Astrid Lindgren Children´s Hospital | Karolinska University Hospital 171 76 Stockholm


© Karolinska University Hospital

mail
Logotype