Qaybta qalliinka


Marka la yimmado qaybta qalliinka waxaa raacci kara ilmaha hal waalid/ehel oo la geli doona qolka qalitaanka. qofka raacayaa wuxuu xidhan/xiranayaa dhark kor laga qaato, koofiyad iyo bac kabaha la korgashado. intaas ka dib ilmaha waxaa la saaraa miiska qalliinka markaasna la geeyaa qolka qalliinka. Marka ilmaha loo diyaarinaayo suuxinta waalidku waa ag fadhinayaa. Marka lagu mudo/duro daawada suuxinta oo ay daawado dhiigga gaarto ilmuhu dhaqso ayuu suuxayaa. Marka ilmuhu seexdo ka dib waalidka iyo shaqaale ayaa tegaya qol ku dhow meesha oo lagu sugo.

Waaliddiin badan ayaa dhibsada kana welwelaan degdegta ilmuhu u suuxay iyo inay ilmohoodii cid kale u dhiibeen oo uga tageen. waqtigaas waxaa fiican in laga fekero in inta ilmuhu suuxsanyahay oo dhan in ay gacanta ku hayaan shaqaale u tabaran hawshaas laguna ilaalinaayo qalab khaas ah oo lagu ilaaliyo.

//Search

twitter icon

Astrid Lindgren ChildrenĀ“s Hospital |Ā Karolinska University Hospital 171 76 Stockholm


© Karolinska University Hospital

mail
Logotype