Goorma sideese u wargelinayaa ilmahayga?


Ilmaha fekerkooda ku saabsan caafimaad iyo bukaan iyo sida jidhka dadku u shaqayyaa waxay ku xidhantahay dádooda iyo garaadkooda. Xattaa ilmuhu biqidda ay ka baqaan daawada waxay xiriir toos ah la leedahay hadba sida ay uga koraan xagga garaadka waxay la saanqaadaa biqitaannada ilmuhu leeyihiin dáaha kala duwan. Sida ilmaha khaaska ahi u dareemaayo xaaladda markaas taagan waxay ku xirantahay khibradda uu u leeyahay daaweynta, aragtida waalidiinta iyo sida ay u arkaan xaaladda taagan iyo weliba dhaqamada kala duwan iyo fekerkooda.

Haddii ilmaha loo diyaar garayyo dhigidda isbitaalka waa la qabsan karayaa xaaladda cusub oo soo derristey marka loo eego haddii aan la diyaar garayn. Haddii ilmaha wax loo sheego welwelkaa ka yaraanaya wuxuuna dareemayaa xasilooni.

Baahida ilmuhu u qabaan in la wargeliyo waxay isla bedeshaa sida dádoodu isu bedesho. waxayse ka siman yihiin in warka loo sheegaayaa run yahay oo loogu sheego af ay fahmi karaan marka loo eego dádooda iyo heerka garaadkooda. Waxaa habboon in warka loo sheegaayo uu yahay war kooban loona sheego warkaas waqtiga ugu habboon. Waqtiyada ku habboon waxay noqon karaan marka ilmuhu nastaan oo deggan yihiin oo wax welwel ama daal ah aanu qabin amase marka la arko in uu rabo in uu wax ogaado oo uu xiisaynaayo in wax loo sheego. u debecsanow súaalaha una fiirso xarakaatka wajiga ilmaha iyo calaamadaha ilmuhu muujinaayo waxay ka tarjumayaan dareenka ilmaha.

Sadarada soo socda waxaan ku soo jeedi naynaa talooyin ku saabsan sida iyo goorta wax loogu sheegaayo ilmaha dádoodu kala duwan tahay. Xusuusnow in kuwaani yihiin talo soo jeedin. Wargelintu waa inay had iyo jeer la xiriirtaa dáda ilmaha iyo garaadkiisa.

U sheeg ilmaha inaysan jirin súaal lays weydiiyo oo nacasnimo ah ama qaldan. Haddii súaalaha fikradaha ilmaha oo dhan aadan ka jawaabi karin- ku boorri in uu qoro súaashiisa ama sawiro deedna u qaato isbitaalka. Muhiimadu ma aha oo keliya in ilmaha la diyaar garayyo ee waxaa iyaduna muhiim ah waqtiga ilmaha wax loo sheegaayo. ilmaba inta uu ka yaryahy ilmo kale waa inay ka yaraataa farqiga u dhexayya marka wax loo sheegayo iyo marka uu isbitaalka uu tegaayo. maadaama ilmuhu aysan wax maskaxda ku hayn karin waa in war gelintu noqotaa mid lagu celceliyo.

Waxkastaba ka soo tagoo waxaa muhiim ah in ilmakasta la siiyo warbixin ku habboon ilmahaas. Qofka ilmaha yaqaan ayaa ku habboon in uu siiyo ilmaha warbixintaas.

Ilmo ilaa sadex sano jir ah

Adiga oo ah waalid dhalay ilmo yar oo la suuxinnayo ayaa run ahaantii ugu welwel iyo walbahaar badan. Dareen kaagu waa dareen dabiici ah, laakiin xusuusnow in ilmaha yar oo ilaa 2 bilood jir ah ay fududahay in waalidkii laga wado oo uu ku kalsoonaado dadka haya.

Ilmaha yaryar waxaa la yiraahdaa waxay ku dhaqmaan waxay caadeystaan, waayo waxyaaba lagu celceliyo, wixii loo samayn jirey, waxyaaba marka uu arko aqoonsanaayo, waxa uu filaayo waxyaabahaas oo dhan baa keena kalsooni iyo degganaan. Ilmaha dádoodu u dhaxayso sideed bolood ilaa laba sano waxaa marar badan lagu arkaa cabsi la xiriirta koritaankiisa oo uu ka baqo dadka uusan aqoon. Adiga waalidka ah agjoogistaada iyo waxyaaba uu had iyo jeer arkaa waxay siinayaa xasilooni iyo kalsooni.

Dádaas aan soo sheegnay waxaa ku filan warbixin sahlan oo kooban in loogu sheego waxa dhacaya. ka fogow inaad u sheegtid waxa korka ku jira ama laga qabanaayo- ilmo saas u yar weli ma fahmayaan arrimahaas. waxaad uga sheekaysaa lucbad ( caruusad ama bombolo) bukta oo isbitaal tegeysa. Tusi lucbadda oo markaas u sharax in sidaas oo kale isaga/iyadana lagu samaynaayo.

Ilmaha dádoodu ka yartahay sadex sano waqtiga aad uma fahmaan sidaas darteedna waa in aan goor hore wax loo sheegin. Ilmo hadda hadal bartay waa in la wargeliyaa maalin ka hor ama isla maalintaas.

Ilmaha xannaanada ama kuwa yaryar ee dugsiga

Ilmaha xannaanada waxay ku noolyihiin duni riyo ah. Qaabkooda fekerka waxyaabaha kala duwani uma kala soocna waana isku xiran yihiin. Sida badan waxay is dhaafiyaan sababta iyo wixii sababay, taasoo keeni karta inay buktadii si qaldan u fahmaan. Waxaysan kaloo kala sooci karin xaqiiqda dibadda iyo tan gudaha. Xanuunka ay dareemayaan waxay u fahmaan wax dibedda ka yimi.

Ilmaha xannaanada warka loo sheegaayo waa inuu ahaadaa mid kooban oo fudud. Waxay wax ku bartaan ciyaarta sidaas darteed waxaa fiican in wax loogu sheego qaab ciyaar ah. Waxaa u fudud in ay cabiraan dareenka lucbadda halkii ay ka cabiri lahaayeen dareenkooda sidaas darteed lucbad iyo shandad takhtar aad bay ugu fiican yihiin in wax lagu fahamsiiyo. Wargelintu waxay ka ambaqaadaysaa lucbadda laakiin ilmahana waxaa la famsiinayaa in sida lucbadda loo daawayyey in ilmaha loo daaweyn doono.

Ilmuhu waxay ka haystaan fikrad guud waxa ku jira korkan hoostiisa. Waxay la tahay in xubnaha jirka oo dhammi si fudud wax u noqon karaan aadna waxay uga baqaan in ay dhaawacmaan. Sidaas darteed waa muhiim in loo sheego xubinta wax laga qabanaayo iyo qaybaha kale ee jirka ee aan iyaga waxba lagu samaynayn. Maadaama ilmaha dádaas ahi ay u malayyaan in ay waxyaabaha ku dhaca iyagu sabab u yihiin waa in loo sheegaa inaysan iyagu wax sabab ah ku lahayn xanuunka ama xaaladda jirta. Cabsida waxyaaba aan la aqoon sida cawogudda, guura raaca jinniyada iwm aad bay ugu weyntahay ilaa ay ka gaadhayaan dáda dugsiga. Sidaas darteed waxaa dhici karta inay ka baqaan marka ay arkaan shaqaalaha suuxinta oo qaba koodiyad mararka qaarkoodna qaba wax afka iyo sanka lagu daboolo.

Xattaa ilmaha dádaas ahi waqtiga aad uma fahamsana sidaas darteed waa in wargelinta loogu qaybiyaan in muddo ah sida todobaad fahfaahintana la siiyaa laba maalmood ka hor qalliinka/baarista.

Ilmo 6-12 sano

Iyagoo ku soo jirey duni riyo ah ayey bilaabaan ilmaha dáda dugsiga inay kala saaran riyada iyo xaqiiqda. Korkii wuxuu u qaybsamaa saabka, gacmaha, lugaha iyo uurkujirka. Waxay kala saari karaan dhismaha xubnaha iyo shaqadooda. dádaas marka ay yihiin waxay ogyihiin in korku bukoonkaro cillad ku timi jirka gudihiisa ee bugtoodhammi aanay ku imaan wax korka kaaga dhacay. Bugtadii hadda uma arkaan sida ciqaab oo kale laakiinse ay bugtadii ay keeni karaan bakterya ama virus. Fikrada jinni jinni waxyaaba la mid ah way ku sii hartaa ilaa dáda loo yaqaan dáyar.

Fahamka ay jirkooda fahmayaan waa ka weyn yahay sidii hore. Waxay u malayn karaan qalitaan in xubin ay belayaan ama ay ka baqaan in korkoodii isbedel ku yimaado. Sidii kuwa dáda ka yar oo kale ayaa loo sheegayaa xubnaha wax laga qabanaayo iyo kuwa aan la taabanayn.

Ilmo dádaan ahi waxay ka biqi karaan qalabka farsamo ee ay kula kulmayaan qolka qalliinka. Waa isla d´daas marka ay bilaabaan inay ka baqdaan dhimashada. Hurdada iyo dhimashada waa isku xiraan waxaana jira ilmo ka baqda inay soo kiciwaayaan haddii la qalo.

Ilmo da´daan ahi way ka hadli karaan dareenkooda. waxay garanayaan sababta baarista loo samaynaayo iyo waxa ka imaanaaya. Marka la barbardhigo dáda ka yar way uga xiisa badan yihiin waxyaalaha dhacaaya wargelintiina waa inay ka ambaqaadaa súaalohooda. Dádaani in lucbad wax loogu sheego waxay u aragtaa caruurnimo. Sidaas darteed lucbadaha waxaa loo isticmaalaa qalab wax lagu barto ahaan. Iyago waxay wax ku cabiri karan sawiro. Waxaana fiican in todobaad qalliinka ka hor la wargeliyo.

Dáyarta

Waqtiga lagu jiro cumriga dáyarnimada waa waqti isbedello waaweyn ay la kulmaan qofka, isbedelkaasoo ku saabsan xagga jidhka iyo xagga maskaxdaba. Welwelka inaan jidhku caadi ahayn, inuusan u korayn sidii la rabey ama muqaalkiisu aanu qurux badnayn aad bay u weyntahay. Dáyartu waxay ku dadaalaan kontroolka jidhkooda. Qalliin lagu samayyo iyo in uu u baahdo kaalmo marka uu bugo waxay la noqon kartaa xadgudub weyn oo lagu xadgudbey noloshiisa.

Marka la suuxinaayo waxay qabaan welwel ah inay soo baraarugaan qallinkii oo aan dhammaan amase ay soo baraarugi waayaan qalliinka ka dib. Waxay kaloo ka baqan in ay wareeran, is kontorooli waayaan ayna yirahdaan wax aan loo baahnayn amase kaadida iyo saxarada ceshan waayaan. Qofka dáyarta ahi wuxuu rabaa in loola dhaqmo sidii qof weyn. Wuxuu kaloo rabaa in sidii qof weyn wax loogu sheego. Waxay leeyihiin aqoon ku filan oo ku saabsan noolaha iyo xubnuhiisu sida ay u shaqayyaan. Dáyaruhu wuxuu awood u leeyahay in uu wax is tuaasleeyo, macluumaad uu ogaadeyna góaan ku salayyo uuna qiyaaso waxyaaba ka imaan kara dhacdooyin kala duwan. Kuma gancayaan oo keliya in loo sheego oo la yiraahdo haddii saas la samayyo sidatanaa dhacaysa ee waxay u baahan yihiin in loo sheego daaweynta oo dhan oo loo kala dhigdhigo. Waxay doonayaan war dhammaystiran kuna saabsan waxa la qabaanaayo iyo waxa ka imaan kara. Dáyaraha waxaa habboon in lagu dhiirri geliyo inuu súaalo weydiiyo lagana qaybgeliyo marka laga doodaayo caafimaadkiisa, wax isweydiinaha iyo góaankaba. Waqtiga la wargelinayaa waa inuu noqdo muddo ka hor qalliinka si uu uga baaraan dego uguna kuur galo arrinta. U sheeg dáyarahaaga inay suuragal tahay inuu qorto súaalihiisa iyo fekerkiisa oo la tago isbitaalka.

Referenser

Bischofberger, E., Dahlquist, G., Edwinson-Månsson, M., Tingberg, B. & Ygge, B. (2004). Barnet i vården. Stockholm: Liber.

Jylli, L., Olsson, G. (2005). Smärta hos barn och ungdomar. Lund: Studentlitteratur.

Tamm, M. (2004) Barn och rädsla. Lund: Studentlitteratur.

//Search

twitter icon

Astrid Lindgren Children´s Hospital | Karolinska University Hospital 171 76 Stockholm


© Karolinska University Hospital

mail
Logotype