Soomid


Iyadoo la tixgelinaayo badbaada ilmaha ayay aad muhiim u tahay in la raaco soomidda ilma kasta u khaaska ee isbitaalku uu faro. Taasoo sababteedu tahay in laga cabsi qabo in ilmuhu hunqaaco/matago marka la suuxiyo, taasoo khatar aad iyi aad u weyn ku ah neefmareenka.

Marka laga hadlaayo soomidda suuxinta ka hor la soomo waxaa la kala soocaa cuntooyinka kala duwan taaso ku xidhan/xiran hadba sida cuntooyinka kala duwani caloosha uga baxaan. Dureereyaashu waqti yar ayey caloosha sii joogaan marka loo eego cuntada adag. Sidaas darteed waqti gaaban ayaa laga soomayaa cabitaanka marka loo eego cuntada. Ogaada in cabitaannada kala duwani u baahan yihiin waqtiyo kala badan oo laga soomaayo. Casiirka liinta macaan, yougurtka la cabbo iyo cabbitaannada gaaska karboonlabaoksayd ku jiro waxay u baahan yihiin in laga soomo waqti ka dheer kan laga soomaayo biyaha, casiirka tufaaxa iyo kaffeega. Caanaha hooyada iyo caanaha loo yaqaan bedelka caana iyagu waxay ka dhexeeyaan cabbitaannada iyo cuntada. Haddii ay jiraan wax aad fahmi weydaan kuna saabsan talooyinka cunto ka soomidda waxaad la xidhiidh/xiriirtaan ilmaha qaybta qaabishan ee isbitaalka.

//Search

twitter icon

Astrid Lindgren ChildrenĀ“s Hospital |Ā Karolinska University Hospital 171 76 Stockholm


© Karolinska University Hospital

mail
Logotype